Caymiska caafimaadka oo mudnaan ka helay Shirkii 7-aad ee Aayo-ka-tashiga Caafimaadka Soomaaliya

Maareeyaha Hay’adda Qaranka ee KMG Caymiska Caafimaadka Bulshada, Mudane Dr Abdulrazaaq Yusuf Ahmed, ayaa magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle kaga qaybgalay Meertada 7-aad ee Shirka Aayo-ka-tashiga Caafimaadka Soomaaliya. Shirka sanadkan waxaa diiradda lagu saaray maalgelinta caafimaadka gudaha iyo hirgelinta hannaan caymis oo la isku waafaqsan yahay.

Intii uu socday shirka oo ahaa laba maalmood oo xiriir ah, Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, wasiirrada caafimaadka dowlad-goboleedyada, hay’adaha, golayaasha iyo machadyada madaxa-bannaan ee caafimaadka ayaa laga horjeediyay hannaanka caymiska, hiigsiga Hay’adda Qaranka ee Caymiska Caafimaadka Bulshada iyo hawlihii u qabsoomay muddadii ay jirtay.

Doodo dheer ka dib, waxaa guul taariikhi ah noqotay in dhammaan ka qaybgalayaashu isku raaceen mudnaanta caymiska, hirgelintiisa iyo ka miro-dhalinta wadajirka ah ee maalgelinta caafimaadka gudaha. War-murtiyeedkii shirka ka soo baxay waxaa lagu xusay hirgelinta hannaan caymis caafimaad oo la daadejiyay, kuna dhisan habraacyo la isku raacsan yahay.

Maareeyaha Hay’adda Qaranka ee Caymiska Caafimaadka Bulshada, Mudane Dr Abdulrazaaq Yusuf Ahmed (Dr Jalaaludiin Yusuf Ahmed), ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Wuxuu uga mahadceliyay garab-istaagga aragtida caymiska caafimaadka iyo ballanqaadka ah in Hirshabeelle hormuud ka noqoto hirgelinta hannaanka maalgelinta caafimaadka gudaha.

Madaxweynaha oo bogaadiyay dadaallada iyo dardargelinta caymiska caafimaadka ayaa ballanqaaday in Dowlad-goboleedka Hirshabeelle uu tusaale u noqon doono hannaan isku-tashi oo lagu maareeyo caafimaadka, loogana hortago khataraha cudurrada dillaaca iyo xaaladaha degdegga ah.

Mas’uuliyiinta Caymiska Caafimaadka ayaa u mahadceliyay shirka qaran, Wasiirka Caafimaadka iyo wasiirrada caafimaadka dowlad-goboleedyada sida ay mudnaanta u siinayaan hirgelinta habka isku-tashiga, maalgelinta caafimaadka gudaha iyo dhaqangelinta Caymiska Caafimaadka.