Kulan wadatashi ah oo ay la yeelatay adeeg-bixiyeyaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay

Hay’adda Qaranka ee Caymiska Caafimaadka ayaa maanta qabatay kulan wadatashi ah oo ay la yeelatay adeeg-bixiyeyaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-hawlgelinta caymiska mideysan, adkaynta dhaqangelinta xeerarka iyo nidaamyada caymiska caafimaadka, u qareemista caymiska, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya adeeg-bixiyeyaasha gaarka loo leeyahay iyo hannaanka Caymiska Caafimaadka Qaranka.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin, agaasimayaal, la-taliyayaal sare iyo hawlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka; hoggaanka iyo madax ka tirsan isbitaallada dowladda; agaasimayaasha inta badan isbitaallada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho ka hawlgala; xeeldheerayaal ka tirsan bahda caafimaadka; khubaro dhinacyada sharciga iyo dhaqaalaha ah; khubaro caafimaad oo ka tirsan qurbojoogta Soomaaliyeed; iyo marti-sharaf ka kala socday hay’ado dowladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay.

Kulanka wadatashiga waxaa looga gol lahaa habsami u fulinta nidaam caymis caafimaad oo bulshada u maciin ah. Waxaa lagu faaqiday xaaladaha caafimaadka iyo culayska dhaqaale ee soo wajaha dadka adeeg caafimaad raadsanaya. Waxaana kulanka lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo la xiriira maalgelinta caafimaadka, khataraha dhaqaale ee la wajaho iyo sida caymisku xal waara ugu keeni karo culaysyada caafimaadka iyo daryeel-bixinta aasaasiga ah ee dadkeenna.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Qaranka ee Caymiska Caafimaadka Bulshada ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hannaanka caymis caafimaad ee dalku yeelanayo; kaalinta ay daryeel-bixiyeyaasha caafimaadka gaarka loo leeyahay ku leeyihiin; yoolka la hiigsanayo; waxa caymiska laga filan karo; caqabadaha ku teedsan; iyo aragtida xalka wadajirka ah. Waxa uu tilmaamay in midnimo iyo sinnaan lagu yagleelo fulinta caymiska, ayna ka wada qaybqaataan dowladda, bulshada, ganacsatada iyo qurbojoogtu. Hannaanka caymisku wuxuu adkaynayaa nidaamyadeenna caafimaad, mideynayaa daryeel-bixinta, xoojinayaa dowladnimada, kabayaa bulshada, wuxuuna awood u siinayaa helitaanka daryeel caafimaad oo dhammaystiran iyadoo aan cidna laga tagin, culays dhaqaalena aan la dareemin.

Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Qaranka ee Caymiska Caafimaadka, agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka iyo wakiillada xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay ayaa dood ka jeediyay kulanka. Waxay si wadajir ah hoosta uga xariiqeen muhiimadda hirgelinta hannaanka caymiska, joogtaynta wada-shaqaynta iyo midnimada bahda caafimaadka. Waxay adkeeyeen in caymiska lagu saleeyo wadajir, iskaashi iyo midayn, tayada adeeg-bixintana sare loo qaado. Hirgelinta caymiska caafimaadku waxay sidoo kale horseedi kartaa koboc dhaqaale, deganaansho iyo horumar bulsho.

Kulanka waxaa la isku afgartay habsami u wada fulinta caymiska iyo mideynta hannaankiisa. Waxaa goob-joog ahaa agaasimayaasha guud ee isbitaallada gaarka ah ee Muqdisho, Agaasimaha Isbitaalka Forlanini, Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Qorshaynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Madashan oo ahaanaysa mid furan ayaa maanta ku soo idlaatay isfahan, wada-shaqayn iyo aragti ku saabsan daryeel-bixin caafimaad iyo caymis caafimaad qaran oo ku qotoma dadka iyo bulshada, gaar ahaan kuwa nugul ama tabaalaysan.