Wadatashi bulsho oo ku saabsan hannaan caymis caafimaad oo loo siman yahay

Mogadishu, Talaado: 11/08/2026

Waxaa galabta lagu qabtay xarunta Arkaan Leadership and Innovation Hub dood iyo falanqayn la xiriirta ka qaybgelinta bulshada hannaan caymis caafimaadka bulshada oo loo siman yahay, ayna tahay in ay ka qayb noqdaan qaybaha bulshada ee kala duwan.

Madashan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Caymiska Caafimaadka Bulshada oo kaashanaysa Arkaan Leadership ayaa waxaa la isugu keenay bulshada rayidka, haweenka, dhallinyarada, barakacayaasha gudaha, qaxootiga ku sugan dalka, odayaasha dhaqanka iyo cuqaasha, bahda caafimaadka, aqoonyahannada, macallimiinta iyo indheergaradka bulshada ku dhaqan Muqdisho.

Waxaa lagu falanqeeyay hannaanka caymis bulsho ee dadkeennu heli karaan; sida lagu xaqiijin karo yoolka caafimaadka loo dhan yahay oo ah in aan dadku dareemin culays dhaqaale marka ay daryeel caafimaad doonayaan; in aan cidna laga tagin oo loo abuuro hannaan lagu caymiyo dadka nugul; isku-tashi; maalgelin gudaha ah; iyo qaran caafimaad oo dhigaal u noqda dadka, kana caawiya ka hortagga khataraha iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay hoggaanka Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Senator Naima Ibrahim Yuusuf; Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliya, Cabdikaafi Maxamuud Makaraan; Maareeyaha Guud ee Hay’adda Caymiska Bulshada, Mudane Dr Abdulrazaq Yusuf Ahmed; Dr Jalaaludiin; Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Cabdiraxmaan Macow (Cumar Faaruuq); Marwo Maryan Xarago, Guddoomiye-ku-xigeenka Haweenka Gobolka Banaadir; iyo madax kala duwan oo ka socday hay’adaha federaalka, Gobolka Banaadir, bulshada rayidka iyo hay’adaha aan dowliga ahayn.

Doodda ayaa diiradda lagu saaray sidii dadka nugul, barakacayaasha, qaxootiga iyo dadka ku nool meelaha ka fog magaalooyinka ay ku heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Falanqayn dheer ka dib, ka soo qaybgalayaashu waxay bogaadiyeen fursadda loo siiyay in codkooda la dhageysto, isla markaana waxay soo bandhigeen siyaabaha ugu habboon ee bulshada looga qaybgelin karo dejinta hannaanka caymiska qaranka.

Kulamada wadatashigu waa kuwo socon doona ilaa laga xaqiijiyo in qof kasta oo ku nool gudaha Soomaaliya uu helo daryeel caafimaad oo loo dhan yahay. Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in caymisku noqdo mid loo dhan yahay, qof kastana uu heli karo caafimaad tayo leh, isla markaana la xaqiijiyo yoolka caafimaadka loo dhan yahay iyo Hiigsiyada Horumarka Waara ee 2030.